WASIIRKA GANACSIGA SOOMAALIYA OO QAABILAY MADAXA HAY’ADDA UNIDO

Ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia.

Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan oo ay kulanka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Daahir Cabdi Cabdullaahi, Agaasimaha Guud mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyaha Wasaaradda Axmed Cilmi iyo mas’uuliyiin kale, ay ka wad-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada ay ka wada-shaqeeyaan gaar ahaan horumarinta Ganacsiga dalka, fududeynta Ganacsiga, dayac-tirka dhismaha Wasaaradda iyo weliba sidoo kale dhismaha xarunta Wasaaradda Warshadaha oo dhawaan la bilaabi doono taasi oo dhismihiisa Wasaaraddu ay ka taageeri doonto hay’adda UNIDO.

Mr. Ygor Scarcia oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin inay wada-shaqeynta dhow la lee yihiin Wasaaradda Ganacsiga isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan siddii loo horumarinta lahaa Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka. Wuxu balan-qaaday inay diyaar u yihiin dhisidda xarunta Wasaaradda Warshadaha iyo sidoo kale horumarinta Ganacsatada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu hay’adda UNIDO uga mahadceliyey wada-shaqeynta dhow ee ay la lee yihiin Wasaaradda, mashaariicda ay ka taageeraan, dib-u-dhiska ay ku sameeyeen Wasaaradda iyo taageeraddooda tooska ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin.

Share on facebook
Facebook
Share on google
Google+
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on pinterest
Pinterest
Scroll to Top