HOGGAAMIYAHA AHLUSUNNA OO SHEEGAY IN UU KA TANAASULAY SIYAASADDA GALMUDUG

shekh-macalin

Hogaamiyaha Guud Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa ku dhawaaqay in uu guud ahaan ka tanaasulay arrimaha siyaasadda dowlad goboleedka Galmudug.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dad Shacab ah ay ku dhintaan dagaallo markale ka dhaca Magaalooyinka Galmudug ee Ahlusunna gacanta ku haysay.

Macalin Maxamuud waxa kale oo uu xusay in Ciidankii iyo hubkii ay ku wareejiyeen Taliska ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

” Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hogaaminta Galmudug , inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono ” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlusunna.

Ciidamada Milatariga dowladda gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir , Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed.

Share on facebook
Facebook
Share on google
Google+
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on pinterest
Pinterest
Scroll to Top