DHIMASHO IYO DHAAWAC KA DHASHAY ISKA HOR-IMAAD KA DHACAY GAALKACYO

Dhulka-garoonka-cusub-ee-gaalkacyo

Dhulka garoonka Gaalkacyo loo asteeyay
Hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka Waqooyi Bari ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in iska hor-imaadkaasi dhexmaray ciidamo ilaalo ka ahaa dhulka loo asteeyay in laga dhiso garoonka cusub ee diyaaradaha Gaalkacyo iyo dad hubaysan oo sheeganaya in ay dhulkaasi leeyihiin.

Qofka dhintay iyo labada dhaawacmay ayaa dhammaantood ka tirsanaa dadka sheeganaya in ay dhulkaas leeyihiin waxaana dhaawaca la geeyay isbitaalka dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Dadkii hubaysanaa ee sheeganayay dhulka loo asteeyay garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe halkaas laga cayriyay waxaana hadda gacanta ku haya ciidankii ilaalada ahaa ee horay u joogay.

Share on facebook
Facebook
Share on google
Google+
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on pinterest
Pinterest
Scroll to Top