CIIDAMADA PUNTLAND IYO SOMALILAND OO HUBKA CULUS ISKU WEYDAARSADAY DEGAANKA TUKARAQ EE GOBOLKA SOOL

DAGAALKA-TUKA-RAQ-7

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Sabtiya hub culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in gelinkii hore ee maanta ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta dawlada Puntland ee jiida gobolka sool ayaa xaqiijiyay in ay jawaab ka bixiyeen Rasaas laga soo riday dhanka Somaliland. masuuliyiintan ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin wax khasaare oo dhankooda ka soo gaaray Rasaasta laga soo riday dhinaca Somaliland.

Ciidamada labada dhinac ayaa horay dhawr jeer ugu dagaallamay degaankaasi Tukaraq ee gobolka Sool waxaana maalmahan ay ciidamada somaliland dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen degaanada sool iyo sanaag iyadoo dawlada putnland ay sheegtay wixii hada ka danbeeya aanay udul qaadan doonin madaama laga dayn waayey dandaansiga jawaab deg deg ahna ay ka bixin donaan

Share on facebook
Facebook
Share on google
Google+
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on pinterest
Pinterest
Scroll to Top