CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR: XASUUQA DHUUSAMAREEB KA DHACAY WAA DANBI DAGAAL

maxresdefault

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in hubkii ciidanka Gaashaan ee loogu tala galay in lagula dagaallamo Al Shabaab ay gaysay magaalada Dhuusamareeb oo ay dagaal ka abuurtay.

“Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu sheegay in ay tahay nasiib darro wayn in maanta hubkii dalka lagaga xorayn lahaa kooxaha argagixsada ah ay dawladdu ku weerarto magaalo Soomaaliyeed oo nabdoon.

Share on facebook
Facebook
Share on google
Google+
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on pinterest
Pinterest
Scroll to Top